Dawladda Kenya oo faraha loo galiyey dagaal aan la ogayn goorta uu dhammaan doono. Sida aan ognahay waxaa dagaal sokeeye ka socday somalia muddo labaatan sano ah. Alshabaab oo aan diin, dal iyo dad toona aan shaqo ku lahayn ayaa sida ay sheegeen ku dhaartay in ay la dagaalami doonaan dawladda Keenya inkasta oo ay diideen in ay ka dambeeyeen afduubidda dadka ajnabiga ah ee Keenya ku eedaysay. Haddaba waxaa isweydiin leh Keenya ma wax cad bay haysaa in Alshabaab ka kaxaysato xeryaha qaxootiga ama dadka dalxiiska ku yimaado Keenya. Alshabaab ilaa iyo imminka inta aan arkaynay ama maqlaynay waxay sheeganaysay in ay ka dambaysay falal aad u xunxun oo bini'aadamtinnimada ka baxsan oo ay ka gaysatat Somalia una gaysatay ummadda Soomaaliyeed. Marka waxaa in la is weydiiyo mudan kooxda qiratay xasuuq Soomaaliyeed ma waxy dafiri lahayd qafaalasho shisheeye.